LIMSpec Wiki
Contents
Shillin | |
---|---|
Nooc ka mida shillinta, Ixodes ricinus | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Xayawaan |
Faylam: | Arthropoda |
Gacalka: | Arachnida |
Subgacalka: | Dulin Acari |
Dirka: | Parasitiformes William Elford Leach, 1815 |
Subdirka: | Ixodida |
Bahka sare: | Ixodoidea William Elford Leach, 1815 |
Qaraabo Yihiin | |
| |
[[|Diversity]] | |
18 firqo, c. 900 nooc |
Shillin, Gofane (Af Ingiriis : Tick; Af Carabi : ar) magaca Saynis "Parasitiformes"[1][2][3] waa cayayaan yaryar midabo badan oo kala duwan leh, meelaha qaar ku nool carada, dhirta iyo xayawaanka taasi oo qaniinta noolaha ay saaran tahay si ay uga hesho dhiig ay ku noolaato. Tukhaanku waa cayayaan ka mid ah dulinka kaasi oo quuta dhiiga iyo dheecaanka noole kale.
Shillintu wuxu leeyahay lix lugood oo gaagaaban, kuwaasi ooy u isticmaasho guurguurashada iyo socodka.
Guud ahaan shillinta iyo takfida noocyo badan oo kale waxa loo yaqaanaa "dulin" (parasite) sababtoo ah waxay ku dul nool yihiin noole kale, isla markaana ay cunto ka sameeystaan noolaha ay ku dul dhaqan yihiin. Shillinta iyo takfida waxay isku yihiin bah la isku yidhaahdo "Akarina".
Qaniinyada shillintu waxay keentaa barar iyo xanuun jidhku dareemo, hadii ay badato qaniinyada dulinkaasi waxay isku bedeshaa xanuun. Marka laga reebo carada iyo geedaha, shillintu wuxuu inta ugu badan ku dul nool yahay dhiiga iyo dheecaanka xayawaanka naasleyda, shimbiraha, xamaaratada iyo beri-biyoodka, kuwaasi oo isku sii gudbiya.
Dhinac kale marka laga eego, khubaro cilmibaadhis ku samaysay waxay sheegeen in shillintu faa'iido u leeyahay deegaanka asagoo ka badbaadiya dhirta qaar iyo cowska in la dhameeyo.[4]
Wadanka Soomaaliya shillinta la yaqaano waxay gashaa xoolaha la dhaqdo, waxayna aad caan ugu tahay baadiyaha. Shillinta ku dhaqan gobolada Waqooyiga Soomaaliya waa mid yaryar, midabkeedu casaan ama madoow xigo, ku dhegta wixii ay aragto ee nool taasi oo dhiiga ka dhuuqda noolahaasi. Sidoo kale, gofane waxaa loo yaqaanaa shillinta nooc ka mid ah oo xoogaystay ama ka dhergay dhiig badan, laakiin guud ahaan shillinta ka tirsan.
Noocyada
Shillinku waxu ka mid yahay cayaanka ku nool meelo badan oo kala duwan, sababtoo ah xajmigooda yar, quudashada dheecaanka iyo dhiiga noole kale iyo qaabdhismeedka jidhkeeda. Sidoo kale, shillinku wuxu ku noolaan kartaa deegaano cimilo iyo kheyraad duwan, sida biyaha korkooda, geedaha iyo xayawaanka. Inta ugu badan shillinka la yaqaano waxay ka tirsan tahay dulinka, cayaaan ku dul nool noole kale. Waxaa lagu cabirey ineey aduunyada ku nool yihiin ilaa 9,000 nooc oo tukhan ah, kuwaasi oo ku kala duwan qaab dhismeedka, midabka, qarada ama xajmiga, quudashada iyo guud ahaan astaamaha.[5]
Guud ahaan, shillinku wuxuu qaraabo dhow la tahay takfida.
Muuqaal
Qoraalo Kale
Tixraac
- ↑ Parasitology. 129: S15–S36. doi:10.1017/S0031182004005207. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Klompen J S, Black W C, Keirans J E, Oliver J H. Annual review of entomology. 41: 141–61. doi:10.1146/annurev.ento.41.1.141. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Anderson John F. Medical Clinics of North America. 86 (2): 205–218. doi:10.1016/s0025-7125(03)00083-x. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ New York Times
- ↑ R. B. Halliday, B. M. OConnor & A. S. Baker. "Global Diversity of Mites". In Peter H. Raven & Tania Williams. National Academies. pp. 192–212 http://books.google.com/books?id=nDgrAAAAYAAJ&pg=PA192. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |