Clinfowiki

Bedel linkiga
Kani waa maqaal ku saabsan tirada xisaabta.

Thiin ama Tiro (ingiriis: number; carabi: عدد) waa xuddunta xisaabta aan maalin kasta isticmaalno, taas oo ka bilaabanta eber (0) kuna dhamaata meel aan la aqoon.

Sida eey isku raaceen khubarada xisaabta ee dunida, tirada la isticmaalo waxaa ugu badan Tiriliyan oo ka sameeysan sadex iyo toban god (hal tiriliyan = 1'000'000'000'000) Laakiin intaas kuma eeka tiradu oo waa la sii wadi karaa ayadoo la isticmaalayo qaabka loo yaqaan (x10) oo u dhiganta ku dar toban eber.

Asal Maguurtada Tirada

Tirada dhamaanteed waxa aasaas u ah toban lambar oo kala ah: Eber (0), kow (1), labo (2), sadex (3), Afar (4), Shan (5), Lix (6), Todoba (7), Sideed (8) iyo Sagaal (9).

Aasaaska Tirada

Tiro waxay ka bilaabantaa eber ilaa dhamaad la'aan, waxaanay ku dhisan tahay xeerka ah god oo lambarada eber ilaa sagaal waxa loo yaqaan hal-godleey; toban ilaa sagaashan iyo sagaal (99) waa labo-godleey; boqol ilaa laga gaaro sagaal-boqol-sagaashan-iyo-sagaal (999) waa sadex-godleey.

Sidaas ayay u sii soconaysaa tiradu oo dhamaad ama meel eey ku eeg tahay ma lahan.

Tusaale ahaan, hal Bilyan oo lambar ahaan u qoranta 1'000'000'000 waa Sadex-iyo-toban-godleey.

Qeeybaha Tirada

Tiradu aad ayay u faro badan tahay, laakiin waxa aas-aas u ah oo mar walba ku sameeysan tahay toban lambar. Kuwaas oo kala ah:

Markaa tirooyinkan markasta oo la isku daro ama la mataaneeyo waxay sameeyaan tiro cusub.

Tusaale ahaan marka tirooyinka kow iyo labo la mideeyo waxay noqdaan tiro cusub - labo-godleey - oo ah toban-iyo-labo (12).

Sidaas ayay tiradu u sii soconeeysaa.